Diyaarad ay la socdeen 50 qof oo ku luntay bariga Ruushka
Waaxda hawada ayaa sheegaya in ay lumiyeen xidhiidhkii diyaaradda An-24 oo siday ku dhawaad 50 qof oo ku maraysay bariga fog ee Ruushka.
Guddoomiyaha gobolka ayaa sheega in ay socdaan baadhitaanno.
waaxda u qaabilsan degdegga ah ee maxalliga ah ayaa sheegtay in diyaaradda oo ay maamulaysay shirkad diyaaradeed oo fadhigeedu yahay Siberiya oo lagu magacaabo Angara, ay ka baxday shaashadaha Raadaarka xilli ay ku sii jeedday goobtii ay ku socotay ee Tynda, oo ah magaalo ku taalla gobolka Amur oo xuduud la leh Shiinaha.




