RSF iyo millateriga Suudaan oo ku hardamaya gobolka Kordofan

Gobolka hodanka ku ah saliidda ee Kordofan ee dalka Suudaan ayaa udub-dhaxaad u noqday colaadda ka oogan dalkaasi. Xoogagga RSF iyo ciidanka millateriga ayaa mid kastaa waxa uu isku dayayaa in uu yeesho gacanta sare ee gobolkaasi.

Xilli horraantii bishan ay dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo galaaftay nolosha boqollaal qof oo rayid ah ayaa Kordofan waxa ay noqotay goob ay si weyn u danaynayaan dhinacyadu.

Dagaalka ayaa sidoo kale saameeyay dhuumaha shidaalka qaada ee ka yimaadda Suudaanta Koonfureed oo mara gobolkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker