Trump oo sheegay arrin ka yaabisay madaxda Itoobiya
Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday nidaam cusub oo cunaqabateyn ah oo lagu beegsanayo kooxaha dadka tahriibiya. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in cid kasta oo ku lug yeelata laga mamnuuci doono inay u safraan UK, lana xayiri doono hantidooda.
Trump ayaa hadalkan muranka dhaliyay ka jeediyay casho uu Senetarada Jamhuuriga ugu sameeyay Aqalka Cad . Trump oo laba jeer oo hore ku celceliyay in dalkiisu uu taageero dhaqaale u fidiyo biyo xireenka wayn ee Itoobiya, waxa uu si xoog leh ugu celceliyay hadalkan markii saddexaad .
“Itoobiya waxay biyo-xireenka ku dhistay lacagta Maraykan, inta badan,” ayuu yiri Trump, laakiin ma uusan sheegin goorta uu dalkiisu lacagtaas bixiyay iyo qaabka lagu bixiyay.
Saraakiisha Itoobiya waxay door-bideen inay ka aamusaan oo aysan ka jawaabin hadalka Trump.




