Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka oo si kulul u cambaareeyay waxa ka socda Qaza
UK iyo 27 dal oo kale ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Gaza, halkaas oo ay sheegeen in dhibaatada dadka rayidka ah ay gaartay “meel xun”.
War ay si wada jir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in qaabka gargaarka ee Israa’iil uu yahay mid halis ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 100 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen rasaas ay rideen ciidamada Israa’iil xilli ay cunto sugayeen dhammaadkii usbuucii hore 19 kalena ay u dhinteen nafaqo darro.




