Hay’adda caafimaadka aduunka oo baaq u dirtay Israa’iil

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka dalbaday Israa’iil inay sii deyso xubin ka tirsan shaqaalaha hay’addaas oo uu sheegay inay ciidamada Israa’iil ku qabteen weerar ay ku qaadeen bartamaha Gaza Isniintii.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in askartu ay halis galiyeen shaqaalaha gargaarka iyo qoysaskooda markii ay galeen guriga shaqaalaha iyo bakhaarka weyn ee Deir al-Balah.

Wuxuu balan qaaday in W-H-O ay sii wadi doonto shaqada ay ka wado deegaanka. Deir al-Balah waxaa buux-dhaafiyay Falastiiniyiin ku barakacay ku dhawaad laba sano oo dagaal ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker