Xukumadda Madaxweyne Cirro Oo Ka Shiraysa Baaqyo Loo Diray Iyo Xaalado Taagan.
Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka isugu yimid shir degdeg ah oo ka socda xarunta Madaxtooyada Somaliland.
Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Somaliland ayaan la ogayn sababta keentay, maadaama Wasiiradu ay sida caadiga ah shiraan gelinka dambe ee maalinta Arbacada.
Hasayeeshee, xogo uu OWN helay ayaa sheegay in xaaladaha abaaraha iyo arrimo kale oo taagan lagaga hadlayo shirkan ka socda Madaxtooyada.




