Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland oo Ka Hadlay Dilkii Xalay Hargeysa Ka Dhacay.
Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheikh Abdullahi Daahir Jaamac ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland waxyaabaha ay uga badbaaday in falal argagixiso ka dhacaan ay ka mid tahay doorka bulshadu ka qaataan ilaalinta nabad gelyada iyo in aanay jirin faro gelin shisheeye.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdilaahi Daahir Jaamac oo u warramayey Majalada St. incenttimes, waxa kale oo uu xusay in dadka laga wacyi geliyo falalka xagjirnimada ah.




