Wafti Ka Socda Somaliland oo Gaadhay Taiwan
πππ°π’π«π¨ – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal iyo wefti uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda, mudane Khadar Xuseen Cabdi, Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha JSL, mudane General Axmed Hurre Haarriye iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Xidhiidhka Caalamiga ah, mudane Amb Maxamed Xaaji ayaa safar shaqo ku gaadhay Taipei Caasimadda wadanka Taiwan.
weftigu markii ay gaadheen magaaladda Taipei waxa halkaas ku qaabilay, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee wadankaasi, mudane Amb FranΓ§ois Chihchung WU iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadda wadanka Taiwan, waxa iyaguna soo dhaweynta weftiga qayb ka ahaa, safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya wadanka Taiwan, Danjire Maxamuud Aadan Jaamac Galaal iyo Safiirka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Danjire Allen C. Lou.
Ujeedada Weftiga ayaa ah sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah iyo wax-wada-qabsi ee labada wadan.




