Papa’ Jake: TikToker-kii caanka ahaa oo geeriyooday
Dad badan ayaa u murugoonaya dhimashada Jake Larson oo loo yaqaannay ‘Papa Jake’. Waxa uu ahaa tiktookar caan ah iyo halyay Maraykankan ah oo joogay ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduuna.
Xilliga uu dhintay waxa ay da’diisu ahayd 102 sano.
Larson waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Isbahaysiga ee D-Day ee weeraray ciidamadii Nazi-ga Jarmalka ee xeebaha waqooyiga Faransiiska 1944kii, isaga oo gacan ka geystay soo afjaridda dagaalkaasi.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa uuqabsaday baraha bulshada wuxuuna kasbaday 1.2 milyan oo qof oo ku taxnaa bartiisa TikTok, halkaas oo uu kula wadaagi jiray sheekooyin uu ku xusayo Dagaal weynihii Labaad ee Dunida iyo asxaabtiisii dhintay.




