Itoobiya oo gaadhi ku qaadatay doon ka taallay Jabuuti
Doontan oo lagu magacaabo Tananesh 2, ayaa lga soo qaaday dekedda Dooraale ee dalka Jabuuti, iyada oo ku wajahan Harada Tana ee dalka Itoobiya.
Markii la gaadhsiiyay buundada Abbaay ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan deegaanka Goojaam, maamulka degmada Dejen iyo Lumaame, culumaa’udiin, odayaal, iyo shacabka deegaanka ayaa qayb ka ahaa soo dhawayntan.
Doontan ayaa dhirarkeedu dhan yahay 38 mitir. Hadda kaddib waxa ay ka hawlgeli doontaa Harada Tana, waxayna qaadi kartaa 188 qof markiiba.



