Amiirka Hurda oo geeriyooday kadib 20 sano oo uu koomo ku jiray
Maxkamadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday geerida Amiir Alwaleed bin Khalid bin Talaal, oo loo yaqaannay “Amiirka Hurda” Sabtidii isagoo 35 jir ah, ka dib 20 sano oo koomo uu ku jiray.
Aabbaha dhalay amiir Khaled bin Talaal ayaa wiilkiisa oo ah amiirkii dhintay uga tacsiyeeyay barta X.
Marxuum amiir Alwaliid bin Khaalid oo dhashay 1990-kii, waxa uu galay shil baabuur sannadkii 2005-tii, isaga oo arday ka ahaa kulliyadda millateriga, waxa maskaxda kaga furmay dhiig-bax oo sababay inuu koomo ku jiro muddo ka badan 20 sanadood.
Sannadahan oo dhan, waxaa la siinayay daryeel caafimaad, isaga oo qabsaday ra’yiga dadweynaha ee Sucuudiga iyagoo u arkayay xaalad bani’aadamnimo iyo caafimaad oo naadir ah. Qof kastaa wuxuu la socday dhaqdhaqaaq kasta isagoo koomo ku jira.
Sannadkii 2019-kii, waxaa la sheegay in madaxiisa iyo cududdiisa bidix ay dhaqaaqeen, sida ay qoyskiisu sheegeen. Si kastaba ha ahaatee, weligiis si buuxda uma toosin.




