Shirkadda Daabacadda Ee SAGALJET Ayaa Abaal-marisay Madaxa Wax-Soo-Saarka Ee Shirkadda.
Hargaysa:(OWN)- Shirkadda Daabacadda Casriga ah ee SAGALJET waaxdeeda wax-soo-saarka oo ka mid ah waaxyaha ugu muhiimsan ee Shirkadd ayaa waxay Munaasibad shahaado-sharaf iyo casho-sharaf ah u sameeyeen Madaxa Waaxdaasi,Cabdiraxmaan Cismaan Ahmed (Baasto),kaas oo ay hawl-wadeenaddu ku ammaaneen sida hagar la’aanta ah ee uu uga shaqeeyay Waaxdaasi.
Munaasibadda ayaa waxa kala qeyb-gakay Maamulka sare ee Shirkadda SAGALJET,Cabdi Yuusuf Aar,Waxaana uu Guddoomiye Aar sheegay inay farxad u tahay inuu arko shaqaalihiisa oo is-abaal-marinaya,isla-markaasna shaqo-wanaagga isu-dhiirigalinaya.
Shirkadda SAGALJET oo ka mid ah shirkadaha casriga ah ee daabacadda,ayaa si weyn waxa loogu amaanaa tayadda Wax-soo-saarkeeda iyo adeegyo hufan,iyada oo ay ka hawl-galaan dhalinyaro aad u firfircoon.






