Hindiya: Haweenay guurka u diiday arrin la yaab leh
Gabadha lagu magacaabo Selverani Kanagarasu oo u dhalatay dalka Hindiya, ahna 48 jir waligeed ma aysan guursanin, waxayna guurka ka xulatay daryeelka dibbi ka qeybqaata tartanka hardida ee ka dhaca gobolka ay ku nooshahay ee Tamil Nadu.
Gobolkan waxaa ka jira caaddo qarniyo jirsatay oo lagu tartamayo dibbiyada, kuwaas oo rag badan ay ku loolamaan in ay gacanta ku dhigaan abaalmarin qaali ah oo lagu xiray geesaha dibbiga.
Caado dhaqameedkan waxaa lagu magacaabaa Jallikattu, waxaana dhacday in mar lagu joojiyay amar maxkamadeed kadib markii dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ay dacwo geeyeen, balse go’aankaas waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waaweyn oo rabshado wata, taas oo dowladda ku qasabtay in ay fasaxdo.
Selverani waxa ay dhaqashada dibbiyada tartanka gala ka dhaxashay aabaheed iyo awoowgeed oo ay sheegtay in ay u xanaanayn jireen sida ilmo ay dhaleen oo kale.
Hadda waxa ay xanaanaysaa dibbi 18 jir ah , waxaa lagu magacaabaa Ramu, waxa uu ku guuleystay illaa 5 biladood, isaga oo ka qeybgalay 7 tartan guud ahaan.
Ramu waa wiilkeyga oo kale, billado ayuu ku guuleystay, waxaase intaas ka muhiimsan in uu yahay mid sharaf badan u soo jiiday qoyskeena,” ayay tiri haweenaydan oo diidan in ay nin guursato.




