Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan la qaadanaya saddexda xisbsi qaran ee Somaliland.
Xogo uu OWN helay ayaa xaqiijiyey kulankan oo ka dhici doona xarunta Madaxtooyada ay ka qaybgelayaan hoggaanka sare ee Xisbiyada qaranku, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn ajandaha lagaga hadlayo kulanka Madaxweynaha iyo xisbiyada.
Hasayeeshee, waxa la filayaa inay ka wadahadlaan xaaladaha xiligan ka taagan Somaliland ee ay ka mid ah arrinta Bariga Sool, arrrimaha doorashooyinka soo socda iyo qodobo kala duwan oo khuseeya danaha guud ee dalka.




