Khilaafkii kulmiye oo dibadda u soo baxay iyo masuulkii u horeeyay oo xisbigaa iskagag taga ” Farxaan aadan haybe
Farxaan aadan haybe ayaa qoraalkan qoray ..
” Waxaan maanta halkan ku cadaynayaa in aan si rasmi ah iskaga casilay xubintii Guddida Fulinta iyo xubinimadii Xisbi Siyaasadeedka Kulmiye. Ka tegistayda Xisbiga Kulmiye oo muddo dheer aan ka
mid ahaa, dadaal badana ku bixiyay, waxuu la xidhiidhaa marxalada imika Xisbigu ku jiro iyo dabcan, isdiidooyinka guddaha Xisbiga
Kulmiye ka dhex jira xilligan, kuwaas oo muddo 4 bilood ku-siman ay hogaanka iyo xubnaha Guddida Fulinta oo aan xubin ka ahaa ay dadaal ugu jireen in xal loo helo, si hore looga socdo, suurtagalna u noqoto in la sameeyo is-qiimayn la xidhiidha guuldaradii Xisbiga ka soo gaadhay doorashada madaxtinimada dalka si dib u eegis iyo dibu-habayn Xisbiga gudihiisa loogu sameeyo iyo hirgelinta
qorshaha qabashada shirwaynihii Xisbiga kaasoo 3 bilood ka hor ay ku dhawaaqeen hogaanka iyo xubnaha Guddida Fulinta oo isku dhan. Nasiib darro, ma jirto, mana ay dhicin in hal talaabo hore loo qaaday, dhamaana hawlahaasi halkii 3 bilood ka hor ay
taagnaayeen ayay weli taagan yihiin oo ma jiraan wax ka fulay. Sababo jira awgeedna, iima muuqato xal u helista arrimahaasi oo xubnaha hogaanku masuuliyadda koowaad leeyihiin.
Waraysi aan arintaas ku faahfaahinayo, waan idinla wadaagi doonaa waqti aan fogayn oo ku haboon, Insha Allah.
Tu’san




