Madaxweynaha ugu da’ada weyn adduunka oo markii 8-aad tartamayo
Madaxweynaha ugu da’a weyn caalamka ee dalka Cameroon, Paul Biya, oo 92 jir ah, ayaa sheegay in uu mar kale u tartami doono doorashada bisha October ee soo socota, isaga oo sheegay inuu doonaya in uu sii dheereeyo mudada 43-da sano ee uu xukunka hayo.
Waxaa hubaal ah in go’aankayga ah in aan idiin adeego ay barbar socoto caqabadaha aan wajahayno,” ayu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twitter..
Waxa uu intaa ku daray in go’aankiisa uu markii 8-aad u loolamayo kursiga uu yimid ka dib baaqyo “isa soo taray” oo uga yimid dhammaan gobollada Cameroon iyo dadka qurba-joogta ah.
Maamulka Biya ayaa la kulmay dhaleeceyn dhanka musuq-maasuqa, wax isdaba marin, maamul xumo iyo wax ka qabasho la’aan ama gaabis dhanka amniga ah.
Waxa sidoo kale jiray walaac laga qabo caafimaadkiisa iyo awooddiisa hogaaminta.
Sanadkii hore, waxaa madaxweynahan laga waayay meel fagaare ah muddo 6 todobaad ah, taas oo dhalisay hadal heyn baahsan oo ku saabsan xaaladda hogaamiayahan oo dadka qaar ay u maleynayeen inuu dhintay.




