Kulan Muhiim u ah Waxbarashada oo Kulmiyey Maayerada saddex Magaalo iyo Madaxda Wasaaradda Waxbarashada.
Kulan muhiim u ah maamul daadejinta waxbarashada qaranka ayaa lagu qabtay maanta xarunta wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland. Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd dar dargelinta maamul daadejinta iyo dhamaystirka maamul daadejinta waxbarashada sadexda magaalo ee Hargeysa Berbera iyo Gabilay.waxaana kulankaas oo lagu qabtay xarunta waraaradda waxbarashada iyo sayniska waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Sayniska.
Kulankankaas oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, waxaana wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxman xuseen Xirsi.
Sidoo kale, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maamulka iyo Magaalooyinka, Maayarka Caasimadda Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Axmed Mooge, Maayarka Magaalada Berbera Mudane Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin), iyo Maayarka Magaalada Gabiley Mudane Cabdirashiid Haybe Farax (Daacada).
Wasiirka Waxbarashada ayaa si rasmi ah u daah-furay kulanka, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga iyo wada-shaqaynta Wasaaradda iyo Maamulada Dawladaha Hoose, gaar ahaana dhinacyada la xidhiidha, Maaliyada iyo nidaamyada xeerarka.
Waxaa sidoo kale warbixin muhiim ah soo jeediyey Madax-xafiiska Shuruucda ee Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Xuseen Sitiin, iyo Xidhiidhiyaha Wasaaradda iyo Dawladaha Hoose, Mudane Cabdiqaadir Ciise, oo faahfaahiyey hannaanka wadaagista xogaha, habraacyada sharciyeed, iyo qoondooyinka miisaniyadeed ee dhinacayadda ee lagu taageerayo Waxbarashadda.
Ugu dambayn, kulanka waxa lagu lafaguray habraacyada maaliyadeed, qoondada, xeerarka maamulka, iyo qoondooyinka maaliyadeed iyadoo lagu adkaynaayey wada-shaqayn iyo xog-wadaag hufan oo si waafaqsan xeerarka jira.




