Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Maxamed, oo isbitaal la dhigay
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Mahathir Maxamed, ayaa la dhigay isbitaal kadib markii uu dhammaystiray kaxeynta baaskiil dhowr maalmood kadib markii uu dabaal degay boqol sano guuradiisa.
Wuxuu xanuunsaday kadib markii uu kaxeeyay baaskiil nooca labada kursi leh, kaas oo uu waday ugu yaraan sideed kiiloomitir xilli uu ka qaybgalayay xaflad loogu dabaaldegayay sanad-guuradiisii boqollaad. Isaga ayaa gaarigiisa waday oo ku tagay goobta xafladda.
Mr. Mahathir waxaa la filayaa inuu si degdeg ah uga soo kabto xanuunka. Wuxuu laba jeer soo noqday ra’iisul Wasaaraha Malaysia, markii labaad isagoo 92 sano jir ah ayuu xilka qabtay.




