Madaxwaynaha Somaliland oo Kullan muhiim ah la Qaatey Agaasimaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka JSL

Agaasimaha Fulinta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka (APD), Mudane Cumar Aadan Yuusuf, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Kulankan ayaa daaranaa is-xogwaraysi ku saabsan hawlaha muhiimka ah ee Akaademiga Nabadda iyo horumarka (APD) ay Qaranka u hayso.

Agaasimaha Akaademiga Nabadda iyo horumarka Cumar Aadan Yuusuf ayaa madaxwaynaha uga warbixiyay shaqada ay Hay’addu ka wado dalka, waxaanu sheegay in ay xooga saaraan dhinacyada Cilmi-baadhista ku saabsan Dimuqraadiyadda,maamul-daadejinta,xalinta khilaafaadka bulshada iyo horumarinta nabadda, Isbedalka Cimilada.

Agaasimaha ayaa sidoo kale Madaxwaynaha u sheegay in ay Akaademiga Nabadda iyo horumarintu ay mudnaanta siinayso sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha dawliga ah iyo kuwa bulshada rayidka ah, si loo helo bulsho isku kalsoon oo nabad iyo horumar ku tallaabsan karta.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo dhaweeyay shaqada muhiimka ah ee Akaadeemiga Nabadda iyo horumarka ay ka wado dalka, isaga oo tilmaamay in cilmi-baadhis, wadatashi, iyo dhexdhexaadnimo ay yihiin tiirarka lagu gaadhi karo horumar waara.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker