Falastiiniyiin lagu laayay goob ay gargaar ka sugayeen
Dad Falastiiniyiin ah oo goobta joogay ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay rasaas fureen xilli dadku isku dayayeen inay helaan cunto Sabtidii shalay.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in “aanay jirin dad dhaawac ah oo la ogyahay” oo ku wax yeeloobay rasaasta ay ciidamada IDF ku fureen agagaarka goobtaas.
Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in rasaas digniin ah la riday si loo kala eryo dad ay IDF u arkaysay khatar.
Sheegashada labada dhinac weli si madax-bannaan looma xaqiijin. Israa’iil uma oggola hay’adaha warbaahinta caalamiga ah, inay galaan Qasa.
Muuqaalo la daawaday galinkii dambe ee Sabtida ayaa muujinayay meydadka dad maryo cadcad lagu daboolay oo yaalla barxadda isbitaalka Nasser, oo ay ku hareeraysan yihiin kalkaaliyeyaal iyo dad dharkooda dhiig ku daatay.
Muuqaal kale ayaa muujinayay nin sheegaya in dadku sugayeen gargaar isla markaasna si toos ah loogu furay rasaas muddo shan daqiiqo ah.Dhaqaatiir gurmad degdeg ah bixisa ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay dad si bareer ah u dileen.




