Carruur iyo dad kale oo Qasa lagu laayay maanta

Toban qof oo ay ku jiraan lix carruur ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ka geysatay bartamaha Qasa maanta oo Axadd ah, iyagoo sugayay meel ka qaadanayay biyo , sida ay sheegeen mas’uuliyiinta adeegyada gurmadka degdega ah.

Meydka dadkaasi waxaa loo qaaday isbitaalka al-Awda ee Nuseirat, halkaas oo sidoo kale lagu daweeyay 16 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, sida uu sheegay dhakhtar ka tirsan isbitaalka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay gantaal ku tuurtay dad saf ugu jiray inay biyo ka dhaansadaan taangi biyo ah oo yaallay xerada qaxootiga ee al-Nuseirat.

Milatariga Israa’iil ayaa la weydiiyay inay ka hadlaan arrintan, balse weli kama aysan jawaabin.

Dhanka kale, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa sheegay in isbitaalkooda ku meel gaarka ah ee ku yaalla Rafax, koonfurta Qasa, uu toddobaadyadii u dambeeyay daweeyay kiisaska dhaawacyada ka badan inta uu daweeyay 12-kii bilood ee ka horreeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker