Abbaandulaha Ciidanka JSL oo Dhagax dhigey dhisme cusub oo loo dhisayo Ciidanka Qaranka
Abbaandulaha Ciidanaka Qaranka JSL S/Guuto Cabdirisaq Siciid Bulaale (Afguduud) ayaa dhagax dhigay hool wayn oo casriya, kaasi oo lagu soo kordhiyay xarunta taliska ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Hoggaanka dhismaha iyo sancada taliska ciidanka Qaranka Gaashaanle sare Caydaruus Nuux Muumin oo ka warbixiyay dhimahan cusub ayaa sheegay in dhismahani noqon doono mid lagu qabto shirarka iyo kulanada muhiimka ah ee taliska, sidoo kale waxa uu sheegay in ay ciidanka Qaranku wax ku baran doonaa.
Abbaanduulaha ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo dhismahan dhagax dhigay ayaa sheegay in uu wax wayn ka tari doono dhinaca xafladaha, tababarada iyo debaal-degyada ciidanka Qaranka
Waxaanu yidhi “Halkan maanta waxa aanu dhagax-dhigaynaa Hool, kaasi oo noqon doona dhisme wayn oo soo kordha, faa’iidadiisu aad u badan tahay, kaasi oo bilic ahaan, tayo ahaan iyo waxtar ahaanba leh, waxaana lagu qaban doonaa xafladaha, tababarada iyo debaal-degyada lagu qaban doono”.




