Waxaa la ogaaday in dad cunteynayay oo faraxsanaa ay diyaaraddu ku dul dhacday
Goor galab ah 12-kii Juun, hoolka cuntada ee ardayda Jaamacadda Caafimaadka ee BJ ee magaalada Ahmedabad wuu buuxsamay arday qaadanaya qadada.
Qolka waxa ka yeerayay qosol iyo kaftan u dhexeeyay asxaabta, iyo mararka qaar wada sheekeysi ku saabsan waxbarashada.
Markii ay saacadu ahayd 13:39 waqtiga deegaanka, ugu yaraan 35 qof ayaa ku sugnaa kafateeriyada. Qaar ayaa cunadoodii horay u qaatay oo tagay miisaska lagu cuneeyo, halka kuwa kale saf ugu jireen si ay u qaataan qadadooda.
Daqiiqado gudaheed, wax walba way isbedeleen.
Dhawaaqa guud ee kafateeriyada waxaa dhex galay jugta matoorada diyaaradda oo si degdeg ah usoo socda – kadibna qolka ayaa qarxay.
Hadda waxaan ognahay in 19 qof ay ku dhinteen dhulka kadib markii diyaaraddii Air India ay ku burburtay dhismaha oo ahaa mid mashquul badan oo ku yaalla Ahmedabad, daqiiqado yar kadib markii ay duushay.




