Trump oo madaxweynaha Cuba ka mamnuucay inuu soo galo Mareykanka

Mareykanka ayaa markii ugu horreysay cunaqabatayn kusoo rogay madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel, sababo la xiriira kaalintiisa uu ku leeyahay waxa Mareykanku ku tilmaamay tacaddiyada dowladda Cuba ay ku hayso dadkeeda.

Madaxweynaha iyo saraakiil sare oo kale ayaa hadda laga mamnuucay inay galaan Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez, ayaa si caro leh uga falceliyay arrintaas, isagoo sheegay in Mareykanku uusan awoodin inuu wiiqo doonista shacabka Cuba ama hoggaamiyayaashooda.

Warbixintan waxaa shaaciyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, afar sano kadib markii ay dhaceen mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee ka dhaca jasiiradda, kuwaas oo sababay in boqolaal qof la xiro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker