Shir Gudoonka Golaha Wakiilada oo qaabilay madaxda sare ee Hay’adda Max Planck Foundation.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wada-shaqaynta u dhexaysa Hay’adda Max Planck Foundation iyo Golaha Wakiillada, gaar ahaan mashruuca taageerada Xeer-dejinta iyo horumarinta nidaamka Baarlamaanka, kaas oo hadda maraya marxaladdihii u danbeeyay. Madaxda hay’addu waxay si guud u warbixiyeen waxqabadkii la qabtay, halka shirguddoonka Golahu uu ku bogaadiyay kaalinta iyo doorkii ay hayaddu ku lahayd xoojinta iyo tayaynuta Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa xusay in mashruucani uu door weyn ka qaatay tayeynta hawlaha Xeer-dejinta, kor u qaadista xirfadaha xubnaha Golaha, iyo habaynta nidaamyada shaqo. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay sidii iskaashigaashigani uu u noqon lahaa mid sii socda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker