Sanduuqa Madow ee duuba cododka oo laga helay goobtii diyaaraddu ku burburtay

Labada Enhanced Airborne Flight Recorders (EAFR), oo sidoo kale loo yaqaan “sanduuqyada madow”ayaa laga helay goobtii diyaaraddu ku burburtay afar maalmood kadib markii shilku dhacay.

EAFR waa qalab duuba codadka ka dhaca gudaha qolka duulista, oo ay ku jiraan wada sheekaysiga duuliyeyaasha iyo qaylada digniinaha, sidoo kalena wuxuu kaydiyaa xog muhiim ah oo la xiriirta duulista sida dhererka (altitude), xawaaraha, iyo waxqabadka matoorada.

Qalabkani waa aalad muhiim u ah baaritaanka shilalka diyaaradeed, maadaama uu ka caawiyo khubarada inay dib u helaan daqiiqadihii ugu dambeeyay ee duulista.

In kasta oo lagu magacaabo “sanduuqyo madow”, haddana xaqiiqdu waxay tahay waa laba qalab oo midab oranji ah leh oo aad u dhalaalaya, waxaana lagu rinjiyeeyay xarriijimo u muujinaya si sahlan in dib loogu helo marka la baadi-goobayo dhacdooyinkaan oo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker