Goob fagaare ah ayay ku gubeen hubkiii ay dagaalka u isticmaalayeen muddada dheer
Ka dib 40 sano oo halgan hubeysan ay kula jireen dowladda Turkiga, kooxda la maanacay ee Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ayaa qabtay munaasibad taariikhi ah oo dhabbaha u xaareysa in ay hubka dhigaan.
Soddomeeyo dagaalyahan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa hubkoodi tanag ku ridey, tillaabo billow u ah hubka dhigista kooxda, kaas oo socon doona illaa xagaaga.
Dowladda Turkiga ayaa tillaabadan ku tilmaantay mid taariikhi ah oo looga gudbayo “marxalad xasaasi ah” oo lagu hiigsanayo Turki argagixiso ka madaxbannaan.



