Falastiiniyiin lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto

Labo Falastiiniyiin ah, oo mid ka mid uu haysto dhalasho Maraykan ah, ayaa lagu dilay weerar ay geysteen dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggen dhulka ay deegamaysteen ee waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in dhagxaan lagu tuuray dad Israa’iiliyiin ah oo marayay meel u dhow Sinjil, kadibna uu dhacay “isku dhac xooggan” oo halkaasi ku dhaexmary dadka wada deggan aaggaas.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada ammaanku ay baarayaan wararka sheegaya in hal Falastiini la dilay, halka dhacdada la xiriirta qofka labaadna ay weli dib u eegis ku socoto.

Rabshado ayaa ku soo kordhay Daanta Galbeed xitaa ka hor weerarkii Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023-kii, taasoo dhalisay dagaalka Qasa ilaa iyo maanta ka socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker