Trump oo sheegay Ukraine ay heleyso hubka nidaamka difaaca hawada ee Patriot
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hub u dirayo Ukraine isaga oo u sii marsiinaya NATO, hubkaasi oo ay ku jiraan nidaamka difaaca hawada ee Patriot.
Trump ayaa u sheegay NBC News heshiis cusub ” ay ugu dirayaan hubka Patriot Nato, oo ka dib Nato ay sii qaybin doonto”, isaga oo intaa ku daray Nato ay bixin doonto kharashka hubkaasi.
Ku dhawaaqitaankiisa ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ka hadlay inuu “wadahadal wanaagsan” uu la yeeshay Trump oo u xaqiijinaya hubka ay wakhtigooda ku imaanayaan, gaar ahaan nidaamyada difaaca hawada.
Zelensky ayaa sheegay inuu weydiistay 10 nidaamka Patriot, ka dib duqyamaha diyaaradaha iyo gantaalada Ruushka ee magaalooyinka Ukraine todobaadkii aynu soo dhaafnay.




