Trump oo laga hor istaagay fulinta amar ka dhan ahaa caruurta soo galootiga
Garsoore Mareykan ah ayaa mar kale ka hor istaagay madaxweyne Donald Trump inuu fuliyo amar madaxweyne oo lagu joojinayo in qofka ku dhashay mareykanka uu uu si toos u helo xuquuqda dhalasahad mareykanka.
Garsooraha maxkmadda New Hampshire ayaa go’aan ka gaaray kiis ka dhan ah amarka madaxweyne Trump, isagoo si ku meel gaar ah u joojiyay amarka madaxweynaha in la fuliyo.
Dacwada waxaa gudbiyay ururka xuquuqda aadanaha ee American Civil Liberties iyagoo ka wakiil ah waalidiinta soogalootiga ah iyo caruurtooda. Go’aankan ayaa imaanaya todobaadyo kadib markii maxkamada sare ay soo rogtay xadidaad ku aadan sida iyo goorta ay go’aanka maxkamada kasoo baxayso maxkamada dowlada dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanku wuxuu weli u ogolaanayaa inay maraan wadooyin sharci oo gaar ah.
Dastuurka Mareykanka ayaa u dammaanad qaadaya dhalashada dhammaan dadka ku dhashay dhulka Mareykanka, balse Trump ayaa isku dayay in uu kala noqdo xuquuqdaas carruurta ay dhalaan soogalootiga aan sharciga lahayn iyo muwaadiniinta ka imaanaya dalal shisheeye, taasoo qeyb ka ah ka hortagga soogalootiga sharci darrada ah.




