Myanmar: 30 qof oo lagu dilay macbad ay duqeeyeen Milatariga dalkaasi
Dalka Myanmar, 30 qof ayaa lagu dilay ka dib markii ay Milatar-gu diyaarado ku duqeeyeen macbad. Weerarka ayaa ka dhacay saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha tuulada Lin Ta Lu ee dhacda magaalada Sagaing ee bartamaha Myanmar.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC dad badan ay gabaad u ahayd xaruntaasi wakhtiga ay duqayntu dhacaysay.
Maamulka milatariga Burma ayaa ku jira dagaal sokeeye oo furimo badan ka socda gudaha dalkaasi, tan iyo intii ay awoodda afgambi kula wareegeen afar sano kahor.
Weerarka Lin Ta Lu ayaa u muuqda mid loola dan lahaa kooxaha mucaaradka ee hubaysan




