Wadahadalladii heshiiska looga gaari lahaa Qaza oo la sheegayo in la isku mari la’ yahay

Wadahadalladii Israa’iil iyo Xamaas uga socday Qatar ee ku saabsanaa xabbad joojinta cusub ee Gaza iyo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha ayaa istaagay ka dib saddex maalmood oo wadahadalo aan toos ahayn, sida uu BBC u sheegay sarkaal Falastiini ah.

Sarkaalku wuxuu sheegay in qodobbada muhiimka ah ee la isku mari la’ yahay ay ka mid yihiin sidii gargaarka loo qaybin lahaa inta lagu guda jiro xabbad-joojinta iyo bixitaanka ciidamada Israa’iil.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa booqanaya Mareykanka, waxaana rajo laga qabay in heshiis la gaaro, isagoo kulan labaad oo aan horay loo sii qorsheyn la yeeshay Talaadadii Madaxweyne Donald Trump.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa sidoo kale sheegay in ay hadda ay hoos uga dheceen qodobbada wada-hadalladii Doaxa oo aan weli la xallin, isla markaana uu ku rajo weyn yahay in la gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo 60 maalmood ah dhammaadka toddobaadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker