Nuxurka Qodobada lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

Fadhigii 26-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

ππ¨ππ¨π›π›πšππš 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 π₯𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 π…πšππ‘π’π π’π’ πŸπŸ”-𝐚𝐚𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐀𝐚 𝐦𝐒𝐝 𝐚𝐑𝐚𝐚:

1. Warbixinta Amniga iyo Xasiloonida Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mu dane Cabdalle Maxamed Carab. Marka laga tago falalka dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo ShilalkaGaadiidka, Wasiirku waxa uu sheegay in amniga iyo xasilloonida dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama iska hor imaad ah.

2. Warbixin la xidhiidha Arrimaha Maaliyadda iyo koboca Dhaqaalaha Dalka, ka rumaynta Odoroska Dakhliga 6-dii bilood ee ina dhaafay, hirgalin buuxda Cashuuraha Iibka iyo Adeega (GST) oo ay dhammaan Shirkadaha Isgaadhsiintu ku dareen nidaamyadooda Iibka (5%), taasi oo si toos ah uga muuqan doonta farriimaha u dhaca macaamiisha: Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan.

3. Warbixinta Xaaladda Caafimaad ee Gobolka Selel baahiyaha adeega Caafimaadka ee ka jira iyo arrimaha u baahan in Xukuumad ahaan wax laga qabto: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

4. Warbixin la xidhiidha Arrimaha Saxaafadda Madaxa Bannaan: Xuquuqda iyo Waajibaadkooda; ku dhaqanka mabaadi’da aasaaska u ah xorriyadda hadalka, doorka ay Xukuumaddu ku leedahay Warbaahinta Casriga ah iyo tayeynta xidhiidhka Xukuumadda iyo bulshada, iyo arrimaha u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo: Waxa wadajir uga war bixiyey 1) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, 2) Wasiirka Madaxtoyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo 3) Wasiirka Caddaaladda Mudane Yoonis Axmed Yoonis.

5. Warbixin faah-faahsan oo la xidhiidha Safarro, Shirar heer Caalami ah, Daraasado lagu dardargelinayo xidhiidhka Ganacsi ee uu dalkeenu la leeyahay Dunida, gaar ahaan Waddammada Deriska iyo Khaliijka, u kuur-galka iyo la socodka qiimaha Badeecadaha iyo Shidaalka: Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur.

6. Warbixin la xidhiidha Xaaladihii ugu dambeeyey ee Abaaraha, degaanada ay saameeyeen, min bari ilaa galbeed, saamaynta ay ku leedahay dadka iyo duunyadaba, sidii arrintan looga yeelan lahaa talo Qaran oo qorshaysan: waxa wadajir uga war bixiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed iyo Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada Mudane Saleeban Ducaale X. Jaamac.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker