Itoobiya oo Eritrea ku eedeysay xadgudubyo ka dhacay deegaannada xudduudda

Itoobiya ayaa Eritrea ku eedaysay warar sheegaya in ciidamadeedu ay wali maamulaan degaannada ku teedsan xuduudka Itoobiya, isla markaana ay sii socdaan xadgudubyada halista ah.

Danjire Tsegab Kbebew, oo ah wakiilka Itoobiya ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay “in ay sii socdaan wararka ku saabsan xad-gudubyo xun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay deegaannada xuduudka ah”.

Danjire Tsegab ayaa hadalkan jeediyay ka hor inta aysan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay u codeyn in muddo kordhin loo sameeyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Eritrea.

Eriteriya ayaa dhankeeda iska fogeysay dhaleeceynta Safiirka, iyadoo sheegtay in ay ku xaddidan tahay xudduudaha caalamku aqoonsan yahay.

Danjire Tsega wuxuu sheegay in tillaabooyinka ay qaadayso Ereteriya aysan ahayn oo kaliya in ay dhaawaceyso xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka, balse ay sidoo kale “khatar toos ah ku yihiin Itoobiya”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker