Israa’iil oo qorsheynaysa in Falastiiniyiinta laga raro Qaza
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in uu ku amray milatarigiisa in ay sameeyaan qorshe dhammaan falastiiniyiinta looga rarayo Qaza lana geeyo xero ku taalla koonfurta dhulkaas.
Israa’iil Katz ayaa u sheegay warfidiyeenka in uu doonayo in uu “magaalo bini’aadantinimo” ka sameeyo magaalada burburka xooggan uu so gaaray ee Rafah, oo ay markii hore ku noolaayeen ilaa 600,000 oo falastiiniyiin ah hadana ay ku nool yihiin 2.1 milyan oo qof.
Waxa uu sheegay in u jeedada arrintan ay tahay in dadka la geeyo halkaasi baaritaan amni kadib si loo hubiyo inaysan ka tirsaneyn Xamaas oo aan loo ogolaan doonin inay ka baxaan.
Waxa uu intaa ku daray in haddii xaaladdu ay wanaagsanaato, in shaqada dhismuhu ay bilaaban doonto muddada 60-ka maalmood ah ee xabbad joojinta ee Israel iyo Xamaas ay isku dayayaan inay saxiixdaan.
Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay in masaafurinta ama si qasab ah loogu wareejinayo dadka rayidka ah ee ku nool dhulka la haysto ay si adag uga jabinayso sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay tahay ‘mid u dhiganta xasuuq’.




