Garoomada dayaaradaha ee Maraykanka oo joojiyey in dadku ay kabaha siibaan marka la baarayo
Garoomada diyaaradaha ee Maraykanku uma baahnaan doonaan rakaabku inay iska bixiyaan kabaha inta lagu jiro hubinta amniga ee ay maamusho hay’adda maamulka Amniga Gaadiidka, taasoo soo afjaraya 20 sano ka dib siyaasaddan aan la jeclayn.
Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa sheegtay in isbedelku uu isla markiiba ka dhaqan galay garoomada diyaaradaha ee dalka Mareykanka, inkasta oo hannaanka baarista amniga ee “heekar badan” uu sidiisa ahaan doono.
Rakaabku waa in ay wali iska siibaan suunka iyo jaakadaha oo ay ka saaraan laptop-yadooda iyo cabitaanada boorsooyinka, laakiin xeerarkaas ayaa sidoo kale dib loo eegayaa, sida ay Noem tiri.
Shuruudda ah in rakaabka diyaaraduhu ay kabaha iska siibaan si loo hubiyo ammaanka ayaa la billaabay in laga dhaqan geliyo dalka oo dhan 2006-dii ka dib markii nin British ah uu bam ku qariyay mid ka mid ah kabihiisa xilli uu u duulayay Miami.
Noem ayaa shir jaraa’id ka sheegtay Talaadadii: “Tignoolajiyadayada ammaanku si weyn ayay isu bedeshay. TSA ayaa isbeddeshay”.




