“Xasan Sheekh Maxamuudow Aqoonsiga Somaliland wuu imanayaaye laabta u sii daa oo hanee”Wasiirka Warfaafinta JSL

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka jawaabayay fara-gelinta Soomaaliya ee Bariga Sanaag, ayaa sheegay madaxwaynaha dalkaasi uu uga gole leeyahay inuu ku carqaladeeyo Aqoonisga Maraykanka ee Somaliland, oo shaqadiisu ka socoto dalkaasi, waxaanu ugu baaqay inuu haneeyo oo uu laabta u sii daayo, maadaama ay dhaaftay xiligii colaad iyo jabhado wax lagaga qaban lahaa.

“Maraykanku Somaliland iyo Soomaaliyaba waa yaqaanaa, maanta waxa keenay in Congress-ka Maraykanka Aqoonsiga Somaliland lagaga doodo, ku dhawaaqis-tiisuna qarka saaran tahay, waacaqa in aad la qabsato ayaa wanaagsan, u sii daa laabta Aqoonsiga Somailand wuu imanayaaye, jabhado iyo ha ku mashquulin wax aan waxba ka tarayne, laabta u sii daayo hanee baanu ku leenahay Xasan Sheekhow”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker