Cudur loo maleynayay in laga cirib-tiray Mareykanka oo dib uga soo laba-kacleeyay

Tirada kiisaska jadeecada ee laga soo sheegay Mareykanka ayaa gaadhay heerkii ugu sareysay muddo 33-sano ah, iyadoo ku dhawaad ​​1,300oo kiis la xaqiijiyay in laga diiwaangaliyay dalka oo dhan Jimcihii.

Xogta, oo ay sii daysay jaamacadda John Hopkins, waxay calaamad u tahay sare u kaca udurka aadka loo kala qaado, ee tallaalka laga hortegi karo islamarkana mar loo haystay in laga cirib-tiray Mareykanka.

Kiisaska jadeecada ayaa laga soo sheegay 38 gobol iyo Degmada Columbia sanadkan. Ugu yaraan saddex qof ayaa u dhintay xanuunka, 155 kalena waxay ku jireen cisbitaal.

Inta badan kiisaska jadeecada – 92% – waxay ay haleeleen dadka aan la tallaalin ama xaaladooda tallaalka aan la garanayn, sida ay sheegtay Xarumaha Xakamaynta Cudurrada (CDC).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker