Qaar ka mid ah waddooyiinka caasimadda Kenya oo xiran xilli maanta la filayo dibad-baxyo

Boqolaal qof ayaa la filayaa in ay saaka isugu soo baxaan waddooyinka guud ahaan dalka Kenya si ay u xusaan 35 sano ka soo wareegatay 7-dii July ee dibadbaxyada dimoqraadiyadda ee SABA SABA loo yaqaano.

Laakiin si ka duwan sidii hore, bannaanbaxyada sanadkan waxaa hoggaaminaya jiilal da’ yar – oo loogu yeero Gen Z.

Waxaa saaka 5 subaxnnimo la xirayo qaar ka mid ah waddooyiinka, gaar ahaan kuwa soo gala faras-magaalaha caasimadda Nairobi.

Meel kala duwan oo caasimadda ah ayaa waxaa lagu arkayaa booliis badan oo ah kuwa ka hortaga dibad-baxyada.

Wasiirka amniga Kenya Kipchumba Murkomen ayaa ugu baaqay mudaaharaad nabadeed ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay maanta ee xuska Saba Saba.

Murkomen ayaa walaac ka muujiyay mudaaharaadyada rabshadaha wata ee dhawaanahan socday halkaas oo la gubay hanti dadweyne sida saldhigyada booliiska iyo maxkamadaha, wuxuuna ugu baaqay booliiska inay wax ka qabtaan dibadbaxayaasha rabshadaha ku kaca

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker