“Israa’iil dhexdhexaadiyeyaal ayay direysaa iyadoo aan la eegeyn dalabaadka aan la aqbali karin ee Xamaas”
Israa’iil ayaa go’aansatay inay wafdi u dirto Qadar maanta oo Axad ah si ay wadahadal dhow ula yeeshaan Xamaas hindisihii ugu dambeeyay ee xabbad-joojinta Qasa iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu aqbalay casuumaadda inkastoo uu ku tilmaamay isbeddel aan la aqbali karin oo Xamaas ay dooneysay in ay ku sameyso qorshe ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaal ka kala socda Qadar, Mareykanka iyo Masar.
Habeenimadii Jimcaha, Xamaas waxay sheegtay inay “jawaab wanaagsan” ka bixisay soo jeedinta xabbad-joojinta 60-ka maalmood ah iyo inay diyaar u tahay wadahadal.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Falastiini ah ayaa sheegay in kooxdu ay codsatay wax ka beddello ay ku jirto dammaanad qaad ah in colaadda aysan dib u billaaban doonin haddii wadahadallada xabbad joojinta joogtada ah ay fashilmaan.