Qoomiyad Itoobiyaan ah oo Buurnida ku tartamay
Waxaa laga yaabaa in aad ka welwelsan tahay miisaankaaga iyo joogtaynta jimicsigaaga xilliyada subaxda ama fiidkii, ama kala doorashada noocyada cuntooyinka aad cunayso. Laakiin ma og tahay, Qoomiyadda Bodi ee ku dhaqan koonfurta Omo ee dalka Itoobiya ay sannad walba tartan u galaan buurnida. Bulshooyinka Bodi sannadka cusub kuma qaabilaan in ay gataan dhar iyo alaab cusub- waxay se ku xusaan hadba inta inta uu qofku cayilan yahay. Bodigu waxay sannadka cusub ugu yeedhaan ‘Kel’ oo aan macne gaar ah lahayn.
Ragga qoomiyaddan ka tirsan, waxay muddo saddex bilood ama ka badan wakhtigooda ku qaataan meel hadh ah oo webi u dhow.Halkaas oo ay naftooda ku naaxiyaan ilaa laga gaadho malainta dabbaaldegga. .




