Jarmalka iyo Netherlands oo ku eedeeyay Ruushka inuu u adeegsano Kiimikaal dagaalka Ukraine

Jarmalka iyo Netherlands ayaa sheegay Ruushka uu u adeegsanayo dagaalkooda ka dhanka ah Ukraine Kiimikaal la mamnuucay. Wasiirka difaaca ayaa ku qeexay isticmaalka uu yahay mid joogta ah oo balaaran. Waxa uu ugu yeeray ficilada Moscow kuwo khatar ku ah Yurub iyo guud ahaan caalamka.

Laamaha adeega sirdoonka ee Jarmalka iyo Netherlands ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu ku daabulayo gaaska indhaha ka ilmaysiiya iyo kiimikaalka (chloropicrin).

Sirdoonka Netherlands ayaa soo hadal qaaday Kyiv oo ay sheegeen inay u adeegsadeen Ruushka in ka badan 9 kun oo weerar kiimikaal ah tan iyo intii ay si buuxda weerarka ugu qaaday dalkaasi in ka badan 3 sano ka hor.

Kiimikaalka neef qabitanka dhaliya ayaa loo isticmaalaa inuu ku khasbo askarta Ukraine inay ka soo baxaan xerooyinka, si markaasi si fudud loogu beegsado.

Dowlada Netherlands ayaa sheegtay isticmaalka noocaasi oo kala ah uu waxyeelayn karo ammaanka Yurub iyo guud ahaan caalamka (loomana ogolaan karo tani inay wax caadi ah noqoto). Ruushka waa uu iska diiday isticmaalka hubka kiimikaalka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker