Dawladda Koongo iyo fallaagada M23 oo ku wada hadlaya Qatar
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada M23 ayaa sheegay inay ergo u diri doonaan Qatar wada-hadallo nabadeed, iyadoo Washington ay dadaal ugu jirto sidii loo joojin lahaa dagaallada ka caawin kara in balaayiin lagu maal-geliyo macdanta.M23 ayaa haysata dhul ka badan intii hore ee bariga Congo ka dib markii ay weerar ku qaadeen horaantii sanadkan.Dagaalkan oo ah kii ugu dambeeyay oo salka ku hayo xasuuqii Rwanda ka dhacay soddon sano ka hor ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof, boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen. Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Arbacadii, Boulos wuxuu sheegay in maamulka Trump “uu jeclaan lahaa” inuu qabto kulanka dhammaadka bisha Luulyo.Laakin waxa uu sidoo kale sheegay in masuuliyiinta Maraykanka ay rajeynayaan in heshiiska Dooxa la soo gabagabeyn doono markaas. Wasiirka arrimaha dibadda DRC, Therese Kayikwamba Wagner oo la hadlaysay warfidiyeenka ku saabsan hadalka M23 ayaa tidhi: “Kuwani waa wada xaajoodyo ay marigelisay a Dooxa, waana in ay ku sii socdaan qaab, kama se faalloon doono arrintaas.”