Eritrea oo sii xoojinaysa awoodeeda ciidaan iyo digniino la soo jeediyay

Eritrea ayaa dib u dhiseysa ciidankeeda ka dib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka, taasoo khalkhal galisay gobolka, gaar ahaan Itoobiya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’ad aan dowli ahayn oo fadhigeedu yahay Mareykanka. Eritrea, ayaa eedeymahaas iska fogeysay, waxayna sheegtay inay yihiin kuwo been abuur ah oo laga been abuurtay, isla markaana ay Itoobiya mas’uul ka tahay xiisadaha ka taagan gobolka.

Sentry oo ah urur u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigoodu yahay dalka Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray Isniintii ku sheegay in Eritrea ay xasilooni darro ka abuureyso dalalka deriska la ah, gaar ahaan Itoobiya, iyadoo dib u dhis iyo xoojineysa ciidamadeeda tan iyo markii cunaqabateynta hubka laga qaaday 7 sano ka hor.

“Markii cunaqabateynta laga qaaday, ciidamada Eritrea waxa ay dib u dhis ku sameynayaan ciidamadooda, waxa ay xoojinayaan difaacooda, waxa ayna sii wadaan khalkhal galinta deriskooda” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’adda Sentry.

Saaxiibtinimada ka dhaxaysa dawladaha Eritereeya iyo Itoobiya oo si wada jir ah ula dagaalamay ciidamada Tigreega ee dagaalka Tigray ayaa bilaabay in uu xumaado kadib markii ay la saxiixay heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker