“37 Tan oo Dahab ah ayay Itoobiya Suuqyada Dibadda u dhoofisay sanadkan” Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa shaaciyay in sanadkan 2017, Itoobiya ay suuqyada caalamka u dhoofisay 37 tan oo dahab ah.

Isagoo ka jawaabayay su’aalihii ay xubnaha Golaha ka keeneen qorshaha dowladda ee 2017, wuxuu iftiimiyay horumarka laga gaadhay qaybta macdanta.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in sanadkan la siiyay qaybta macdanta fiiro gaar ah, taas oo si weyn uga qayb qaadatay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Sida uu sheegay, sanadkii 2016 tirsi taariikheedka Itoobiya, waxaa suuqyada dibadda loo dhoofiyay 4 tan oo dahab ah taasoo keentay dakhli dhan 300 milyan oo doolar, balse sanadkan, isbarbardhigga dakhliga laga helay iyo tirada la dhoofiyay wuxuu muujinayaa horumar weyn.

Dhoofinta 37 tan oo dahab ah sanadkan waxay dalka u keentay dakhli dhan 3.5 bilyan oo doolar.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in guushan la gaadhay ay sabab u tahay mudnaanta gaarka ah ee la siiyay qaybta macdanta ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker