๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐๐ซ๐ญ๐ & ๐๐๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐๐ญ๐ข ๐๐ ๐๐จ๐๐๐ ๐๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ข๐ฐ๐๐ง.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa kulan la yeelatay wefti ganacsi oo ka socday Ururka Ganacsiga Taiwan, kuwaas oo ujeedka socdaalkoodu diiradda saarayey baadhitaan ku saabsan fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee ka jira qaybaha Tamarta iyo Macdanta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL mudane Eng. Ahmed Jama Barre, kaas oo uu ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, la taliyaha wasiirka ee arrimaha mashaariicda, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Taiwan, Amb. Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal).
Weftigan ka socdey ururka ganacsiga Dalka Taiwan ayaa soo bandhigay qorsheyaal ay ku danaynayaan maalgashiga Somaliland, gaar ahaan dhinacyada wershadaha, kaabayaasha Tamarta, Macdanta iyo Khayraadka Somaliland.
Qodobbada laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:
* Fursadaha iskaashi ee dhanka Tamarta gaar ahaan
Ilaha Tamarta Cusboonaata, Tamarta Cadceeda, Dabaysha, Qaaca dhulka hoostiisa iyo helitaanka shebeked mideysan oo korontadda qaada.
* Mashaariicda socda iyo kuwa qorshaysan ee la xidhiidha macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah.
* Xeerarka iyo nidaamka sharci ee maalgashiga shisheeye ee dhanka Macdanta JSL.
Ugu danbayn Labada dhinacba waxay muujiyeen rajo wanaagsan oo ku aaddan Iskaashi dhaqaale iyo Kobcinta koritaanka werdhaha Somaliland ee mustaqbalka, si loo gaadho horumar waara.




