𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚 & 𝐌𝐚𝐜𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐊𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧.
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa kulan la yeelatay wefti ganacsi oo ka socday Ururka Ganacsiga Taiwan, kuwaas oo ujeedka socdaalkoodu diiradda saarayey baadhitaan ku saabsan fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee ka jira qaybaha Tamarta iyo Macdanta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL mudane Eng. Ahmed Jama Barre, kaas oo uu ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, la taliyaha wasiirka ee arrimaha mashaariicda, iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Taiwan, Amb. Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal).
Weftigan ka socdey ururka ganacsiga Dalka Taiwan ayaa soo bandhigay qorsheyaal ay ku danaynayaan maalgashiga Somaliland, gaar ahaan dhinacyada wershadaha, kaabayaasha Tamarta, Macdanta iyo Khayraadka Somaliland.
Qodobbada laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:
* Fursadaha iskaashi ee dhanka Tamarta gaar ahaan
Ilaha Tamarta Cusboonaata, Tamarta Cadceeda, Dabaysha, Qaaca dhulka hoostiisa iyo helitaanka shebeked mideysan oo korontadda qaada.
* Mashaariicda socda iyo kuwa qorshaysan ee la xidhiidha macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah.
* Xeerarka iyo nidaamka sharci ee maalgashiga shisheeye ee dhanka Macdanta JSL.
Ugu danbayn Labada dhinacba waxay muujiyeen rajo wanaagsan oo ku aaddan Iskaashi dhaqaale iyo Kobcinta koritaanka werdhaha Somaliland ee mustaqbalka, si loo gaadho horumar waara.