War cusub oo ka soo kordhay dacwadda loo haysto “Diddy”

Garsoorayaasha dacwadda fannaanka Sean “Diddy” ayaa iksu raacay afar ka mid ah shanta eedeymood ee lagu soo oogay, balse waxay sheegeen in aanay weli go’aan ka gaadhin eedeynta ugu culus oo ah “dambiyo abaabulan” oo haddii lagu helo keeni kara xabsi daa’in.

Jawiga maxkamadaynta ayaa ahaa mid kacsan. Diddy oo 55 jir ah ayaa fadhiyay isagoo madax hoos u dhigaya, gacmihiisana isku dhejinaya. Garsoorayaashu waxay mar kale kulmi doonaan subaxa Arbacada si ay u sii wadaa go’aan ka gaadhista fannaankan.

Diddy waxa uu beeniyay dhammaan shanta eedeymood oo ay ku jiraan: kufsi, dambiyo abaabulan iyo ka ganacsiga galmada.

Fannaankan caanka ku ah heesaha Hip-hop ee Sean “Diddy” Combs ayaa haatan ku jira xabsi heer federaal dalkaasi Mareykanka waxaana loo heystaa eedeymo la xiriira wax is dama marin iyo xad-gudubyo galmo.

Xiriddiisa toddobaadkii lasoo dhaafay ee magaalada New York ayaa imaaneysa iyadoo dacwado dhowr ah laga gudbiyay oo ku saabsan tacaddi galmo iyo kuwo jir ahaaneed, qaarkood ayaa loo heystaa inuu galay sanadihii 1990meeyadii.

Dacwoodaha 11aad ahna qofkii ugu dambeeyay, Thalia Graves, ayaa sheegtay in Combs iyo ilaaladiisa ay dhulka ku jiideen ayna kufsadeen sanadkii 2001, ayna duubeen dhacdada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker