Maraykanka oo hakiyay shixnad hub ah oo u socotay Ukrayn

Mareykanka ayaa hakiyay qayboka mid ah hub loo daabuli jiray dalka Ukrayn, sida uu sheegay Aqalka Cad. Waa tallaabo ku soo beegmaysa xilli uu sii xoogeystay dagaalka Ruushku uu kula jiro Ukrayn.

Go’aanka ayaa lagu sifeeyay y “in danaha Mareykanka mudnaanta kowaad la siinayo” kaddib markii ay Waaxda Difaaca dib u eegis ku sameysay “taageerada millitariga iyo caawinta Maaeykanka ee dalalka kale”, afhayeenka Aqalka Cad Anna Kelly ayaa sidaas sheegtay, Talaadadii.

Maraykanka ayaa balaayiin Doollar oo gargaar mlilitari ah u diray Ukrayn tan iyo markii Ruushka uu duullaan ballaadhan ku qaaday bishii February 2022, taasi oo keentay in qaar ka mid ah maamulka Trump ay walaac ka muujiyaan hoos-u-dhac ku yimaadda kaydka Maraykanka.

Dowladda Ukrayn ayaan ka hadlin ku dhawaaqista go’aankan. Saraakiisha Maraykanka ayaan isla markiiba sheegin kuwa ay yihiin shixnadaha la hakiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker