Madaxweynaha Iiran oo saxiixay sharci joojinaya wada-shaqeynta dalkiisa iyo haya’dda IAEA

Madaxweynaha Iiran Masoud Pezeshkian, yaa si rasmi ah u saxiixay sharci joojinaya wada-shaqeynta Tehran la leedahay hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, IAEA. Sharcigan ayaa horay waxaa u ansixiyay baarlamaanka Iiraan, waxaana oggolaaday Golaha Ilaalinta Dastuurka ee awoodda badan leh.

Tallaabadan waxay timid kadib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen xarumo nukliyeer iyo shaqsiyaad ka tirsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Sharciga ayaa sii shaqayn doona ilaa shuruudo gaar ah la fuliyo, kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaalinta xarumaha nukliyeerka Iiraan iyo badbaadinta saynisyahannada ka shaqeeya barnaamijkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker