14 milyan oo khatar ku jirta kaddib gargaarkii uu jaray Trump

Tallaabada madaxweyne Trump uu ku jaray gargaarka Mareykanka uu dalalka adduunka siiyo ayaa sababi karta in tiro ka badan 14 milyan oo dheeri ah ay dhintaan 2030-ka sida lagu sheegay cilmibaaris lagu daabacay wargeyska Lancet.

Saddex meelood kuwa khatarta ugu jira in ay geeriyoodaan waa carruur sida cilmibaaristu saadaalisay.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio waxa uu sheegay bishii Maarso in 80 boqolkiiba wax ka badan dhammaan barnaamijyada hay’ada USAID la joojin doono. Maamulka Trump waxay sheegeen in ay joojinayaan wax ay u arkeen lacag si khaldan lagu bixinayo.

Jaristan khilaafka dhalisay oo ay cambaareeyeen dhammaan hay’adaha gargaarka ee adduunka waxaa maamulayay Elon Musk.

Cilmibaarayaasha waxay soo jeediyeen in lacagtaas la jaray ay keeneyso tiro ka badan 14 milyan oo laga hortagi karo in ay geeriydoodaan marka la gaaro sanadka 2030-ka.

Bishii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay waxay BBC-da u sheegeen in boqolaal kun ay “si tartiib tartiib ah ugu macluulayeen” xeryaha qaxootiga Kenya kaddib markii dhaqaalaha Mareykanka ee la jaray ay keentay cuntada oo yaraata.

BBC-da waxay ku aragtay isbitaal ku yaal xerada Kakuma ee Kenya cunug ay ku adkeyd in uu dhaqaaqo kaas oo ay ka muuqdeen astaamaha macluusha iyadoo midabkiisu uu isbeddelay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker